HANUUN

 Hanuun


Haddaan iri habowdee tolow,diinta ku hanuuna

Hadal iyo oraah kuma Ekee,Hubiya towxiidka

Habaar qabiyo shaydaan war yay,gacan idiin haadin

Xaqaan kugu hagay ma,anigaa,hadimo kuu gaystay


Idinkoo hareer maray waddadii,haadkii garan waayay

Oo hayjad iyo meel cidla ah,kula habboonaatay

Haddii aan dariiq lagu hiritiyo,hilinka kuu sheegay

Xaqaan kugu hagay ma,anigaa,hadimo kuu gaystay

......Halaag baa shirkiga lagu mutaa,

holoca naareedeIntuu camalka kaa heensaduu, kula haraayaaye

Haydaaradii siyo hadaan, halista kuu sheegay

Xaqaan kugu hagay ma,anigaa, hadimo kuu gaystay

.....

Acmaashaad ku howshootayood, hor ale dhowraysay

Hoog weeye aakhiro haddii, lagu hungoobaaye

Haddaan iri cibaadad hufoo, heedda ka idleeya

Xaqaan kugu hagay ma,anigaa, hadimo kuu gaystay

...

Waxaa loo horseedaa tolkaa, hogo barwaaqaade

Towxiidku waa harac janiyo, hogol daruureede

Haddan iri habsaantee nimcada, horay usoo gaara

Xaqaan kugu hagay ma,anigaa, hadimo kuu gaystay

....

Alaa hodana oo laga dhargaa, wuxuu hibeeyaaye

Had iyo cayshaddin wuxuu ku qoray, hooyo riximkeede

Haddaan iri makhluuq kale waryaan, gacanta loo hoorsan

Xaqaan kugu hagay ma,anigaa, hadimo kuu gaystay

....

Xabaalaha habaas lagu rogoo, toodi hanan waayay

Haween iyo waxay maal dhaqeen, uu rag kale howshay

Haddaan iri ha tuugina manfaco, kama helaysaane

Xaqaan kugu hagay ma,anigaa, hadimo kuu gaystay

...

Hawa raac wuxuu mudanayyaa, naarta haawiya e

Hadyigii rasuulkiyo kitaab, aan hal lagu dhaafin

Haddaan iri shareecada ilaah, reerka ku hogaansha

Xaqaan kugu hagay ma,anigaa, hadimo kuu gaystay

...

Qawaaniinta gaal huuraliyo, hoolifluhu keenay

Hadafka reer galbeedkoo kugriga, lagu hagaayaaye

Haddan iri ha raacina dhib buu, kuu horkacayyaaye

Xaqaan kugu hagay ma,anigaa, hadimo kuu gaystay

...

Hayb iyo ciddii diimo badan, waa haalagsamine

Hanuunka alle iyo dimuqraadi waa, waxaan hishiinayne

Haddaan iri war hoy labada dhinac, meel un ku hagaaga

Xaqaan kugu hagay ma,anigaa, hadimo kuu gaystay

...

Hiyigaagu meeshuu jiraad, u hanqal taagaysid

Hadba ruuxii aad jeceshahaa, lagu haleelsiine

Haddaan iri fogey kaafirkaad, hoosta galinaysid

Xaqaan kugu hagay ma,anigaa, hadimo kuu gaystay

...

Hoobaaq inuu kugu ridiyo, hagardo mooyaane

Hanuunkaaga nimaan doonihayn, khayr inaad hanatid

Haddaan iri heshiis gaal malehe, taada hore uqaado

Xaqaan kugu hagay ma,anigaa, hadimo kuu gaystay

...

hungurigiyo adduunyadaba waad, u halgamaysaane

Habeen iyo dharaar kama baxdaan, see wax loo heline

Haddaan lama huraankiyo ku iri, aakhiro hagaahso

Xaqaan kugu hagay ma,anigaa, hadimo kuu gaystay

...

Jaahil aan hingaad iyo aqoon , ha, iyo woow toona

Hubantiyo run weeyoo filkii wuu ka harayyaaye

Haddaan iri waqti uhura cilmiyo, horumar weeyaane

Xaqaan kugu hagay ma,anigaa, hadimo kuu gaystay

…………

Halsitiyo culamada Shirkiga, kuu hadoodilaye

Oo aan hanaankii Dacwada sooba hadal qaadin

Haddaan iri hanuun kuuma sugnee, yaanay ku habaabin

Xaqqaan kugu hagaayee ma anigaa, hadimo kuu geeyay


***

Nimankaa Hinduu iyo Muwaxid, heer u wada joogo

Oo aan baraa’adii haansanayn, hiilo iyo qiiro

Haddaan iri nin tiisii halligay, yuusan ku halaajin

Xaqqaan kugu hagaayee ma anigaa, hadimo kuu geeyay


***

Nimankaan hawadu qaadatee duni, u haaraaya

Kuwa diinti hilib loo qaliyo, hoodo yara siistay

Haddaan iri hunguri baa wadee, maalka ha horeysta

Xaqqaan kugu hagaayee ma anigaa, hadimo kuu geeyay

Post a Comment

Previous Post Next Post