GAWAY DHABCAAL WADAAD

 Dhabcaal wadaad


Wadaaddada dhabcaal baa ku jira, dhiibin waanada e

Dhabta sheegi maayee adduun, buu dhacsanayaa e

Maantii run laga dhawrayuu, dhega la’aadaa e

Muuqaal dhukuba weeye oon, dhimanna noolayne


Waa nimuu hunguri dhaamayoo, dhiriqda yaallaa e

Waa dhaqan yahuudoobeyoo, dhuunta baw darane

Dhiisha kama u weyniyo wuxuu, dhugux ka siiyaa e

Islaamnimo dhabnimadeeda buu, dhamacyo saaraa e



Caammada dhabbaha seegtay buu, daba dhugleeyaa e

Dhinacay rabaan buu cilmiga, ugu dhaqaajaa e

Shirkiguu ka dhigayaa sidii, dhayda iyo xoore

Dhunkaal lagu sumoobaayo buu, dhama yiraahdaa e

 

Ammaanadi Ilaah dhawra yiri, meel xun buu dhigaye

Dhexduu uga jiraa abid waxay, dhabaqsanaayaane

Dhaqan lagu cadaab mudanhayuu, dhiirri geliyaa e

Dhabbe toosan buu oran hadday, naar ku dhacayaane

 

Baraa’aduna waw dhimasho iyo, hoog u dhalandhoole

U dhaqaaqi maayoo bulshada, baysku dhacayaane

Dhibta buu ogyahay iyo waxay, dhali karaysaaye

Dhaldhalaal inuu tegahayoon, dheregi joogeyne


Dhab ninkii u eeg eega oo, dhuuxa hadalkiisa

Dheelligu u muuqanahayuu, dhirif ka qaadaa e

Dood loo dhib geliyana ha filin, inay dhammaataa e

Runba lagama dhawroo wuxuu, dhurayo waa beene


Dhabbeyaal is googooya buu, kaa dhex gelayaa e

Dhankaa buu jiraa maalin baad, dhihiba weydaa e

Naskuu soo dhuftana waa miduu, kugu dhakraayaa e

Iska dhici rag mooyee wax kale, lama dhawaaqaayo


Xujaduna nin dhawrsanahayay, dhicin karaysaaye

Ma dhurwaa dhac laga waaniyaa, dhaqanki toosaa e

Dhadhaab lala hadlaa waa waqtiga, dhimashadiisii e

Dhagax yaa la sheekaysan jirey, dhegaba loo yeelin


Dhaayo looma yeeshoo nafluhu, dhuganba maayaane

Illeen dhagar wadaad lama gartiyo, shiikha dheelliya e

Caamma dhega ballaarey maxaa, lagugu dheeldheelay

Maxaad dhacan tihiin waydinnaan, dheefta garanayne

___________________

Post a Comment

Previous Post Next Post