GAWAY

 Xoogsi | Ismaaciil Mire



Caliyow xusuus kugu dullee, walad xumaadaaye
Xaluun baan xadiis gabay la kacay, oo xafiiltamaye
Dhaqashaba ka xaalaysannine, maqal xaruuftayda
Cabdi iyo Xuseen kaa Xirsiba, kaa xusuus badane
Xadka qabada niman guboo, soo xankaabsada e
Niman baa xaraabada galoo, xoolo saanyada e
Niman baa xeryaha deerka dhiga, xananki toomoode
Niman baa xijiga iibsadiyo, xabag qaroomeede
Niman baa xafaarka u guntada, oo xabaal qoda e
Niman baa dayuurado ku xidhan, xiima samadaase
Niman baa xarrago quudhsadoo, xaarka iibsada e
Liiraha rag baa Xamar u tegay, xeeb intuu maraye
Hablaa xuuralcayntaa rag baa, xeel ku guursada e
Xajinnimada niman baa ku tegay, xad iyo laandeyre
Wax dhaaxaan sidkaha kuu xidhay, xaaluf iyo booge
Wax dhaaxaan xagaagii wan weyn, xawda kuu jaraye
Wax dhaaxaan sengaha xoodiyoon, kuu xabbaadh ridaye
Kulay Xaawaley tahay dad waa, xagafsanaayaaye
Xiniinyoolihii kula sinnaa, waa ka xoogsadaye
Soddon baan ku xaasaanshay iyo, weliba xaabxaabe
Kugu xiiqay saan kuu lahaa, xaaxiyahaw toose
Xag uun labada daarood ku daran, hays xakabin meele
__
@gabayo

Post a Comment

Previous Post Next Post