GABAYO:
- HOOYO | Hadraawi
- •
- Hooyooy la’aantaa
- •
- Aduunyadu hubaashii
- •
- Habeen kama baxdeenoo
- •
- Iftiin lama heleenoo
- •
- Dadku uma hayaameen
- •
- Xiddig hawd ka lulatoo
- •
- Sida haad ma fuuleen
- •
- Dayax heego joogoo
- •
- Hubka laguma tureen
- •
- Hawo laguma gaadheen
- •
- Cirka hirar ka muuqdoo
- •
- Hooyoy addoomuhu
- •
- Halkay maanta joogaan
- •
- Adigow horseedoo
- •
- Intaad hanad xambaartee
- •
- Haaneedka siisee
- •
- Horaaddada jaqsiisee
- •
- Habtay baan xisaab iyo
- •
- Tiro lagu heleynoo.
- •
- Marka aad nin hiilloo
- •
- Laga baqo hashiisiyo
- •
- Halyey diran dhashaa baa
- •
- Hooyo lagu xasuustaa
- •
- Marka aad nin hoo-loo
- •
- Gurigiisa habaqluhu
- •
- Isku soo halleeyoo
- •
- Hayntiisa quudhoo
- •
- Hor Illaahay geystiyo
- •
- Lama hure dhashaa baa
- •
- Hooyo lagu xasuustaa.
- •
- Mar aad nin himilada
- •
- Hilin toosan mariyoo
- •
- Hir markii la gaadhoba
- •
- Ku labaad hilaadshoo
- •
- Haga maatadiisoo
- •
- La higsado dhashaa baa
- •
- Hooyo lagu xasuustaa.
- •
- Marka aad nin hoogiyo
- •
- Ka hor taga daalkoo
- •
- Garta hubin yaqaanoo
- •
- Xaqa hoos u eegoo
- •
- Halistiyo colaadaha
- •
- Dabka hura bakhtiiyoo
- •
- Ku haggoogta dhiiggoo
- •
- Dadka kala hagaajoo
- •
- Kala haga dhashaa baa
- •
- Hooyo lagu xasuustaa.
- •
- Markaad hoobal caaniyo
- •
- Hindisaa farshaxanoo
- •
- Hab-dhaca iyo luuqdiyo
- •
- Hawraarta maansada
- •
- Heensayn yaqaanoo
- •
- Rabbi biyo u siiyoo
- •
- Labadaba hannaanshiyo
- •
- Hal-abuur dhashaa baa
- •
- Hooyo lagu xasuustaa.
- •
- Dumar iyo haween baa
- •
- Nolol lagu haweyntaa
- •
- Kuwa lagu hammiyayee
- •
- Sida hawd caleen weyn
- •
- Rag u wada hammuumee
- •
- Ishu calacsanaysaa
- •
- Hablahaaga weeyee
- •
- Marka guur la haybshee
- •
- Gabadh heego dheeroo
- •
- Hoobaan la moodoo
- •
- Karti iyo hubqaadloo
- •
- Quruxdana ka hodaniyo
- •
- Hira laga aroostaa
- •
- Hooyo lagu xasuustaa.
- •
- Hooyoy la’aantaa
- •
- Higgaad lama barteenoo
- •
- Hooyoy la’aantaa
- •
- Hadal lama kareenoo
- •
- Ruuxaanad habinoo
- •
- Kolba aanad hees iyo
- •
- Hoobey ku sabinoo
- •
- Hawshaada waayaa
- •
- Hanaqaadi maayee
- •
- Hoygii kalgacalkee
- •
- Naxariistu hadataay.
- •
- Hooyoy dushaadaa
- •
- Nabad lagu hubaayooo
- •
- Hooyoy dhabtaadaa
- •
- Hurdo lagu gam’aayoo
- •
- Hooyoy taftaadaa
- •
- Dugsi laga helaayoo
- •
- Waxa lagu hal-maalaa
- •
- Hooyo ababintaadee
- •
- Hayin lagu badhaadhaay
- •
- Hogol lagu qaboobaay
- •
- Gogol lama huraaneey
- •
- Dugsigii hufnaantaay
- •
- Hidda lagu arooraay.
- •
- Intaad hooyo nooshahay
- •
- Hambalyiyo salaan baan
- •
- Hanti kaaga dhigayaa
- •
- Hamrashiyo xaq dhowr baan
- •
- Dusha kaa huwinayaa
- •
- Hooyo dhimashadaaduna
- •
- Hooggayga weeyoo
- •
- Hiyiga iyo laabtaan
- •
- Kugu haynayaayoo
- •
- Weligay hoygaagaan
- •
- Ka dul heesayaayoo
- •
- Hengel baan u xidhayaa
- Inta haadka duushiyo
- Idil habar dugaaggee
- Ifka hibo ku noolow
- Aakhiro halkii roon
Tags:
GABAYO