Jidka toosan
Jidka toosan annagoo gafnoo, jaha xun doonayna
Hadba hawd jibaaxayna oo, jar iska tuurayna
Jaah wareerku dheeraadayoon, joojin kari weyney
Sidee jago adduun loo helaa, hadafku noo joogo
Jaliilkii ka sii jeedna iyo, jirinta diintiisa
Ka jawaabi karahayn waxaan, duni u joognaaba
Wanaaggii jarmaayoo xumaan, laga jeclaanaayo
Kii qur’aanka jeer hore xafiday, jusaski sii daayey
Kii salaadda joogtee is yiri, laguba jeesjeeso
Jiilkiisu nacayoo wadaad, jirraban loo qaato
Rag nimaan la jaan qaadi karin, jaadki laga yeelay
Juruxna aan ka waayeyn kuway, jifo wadaageene
Shirki jaadadkiisoo dhan baa, joogey oo koraye
Jirku kuu xanuunoo miskiin, jiifa laga yeelo
Jaho looga yimid garan mayiyo, yaa jirrada keenay
Tuhmo buu la jeenjeensadaa, lana jibaadaaye
Jinni miyaa i weerarahayoo, jilibka ii laabay
Ma wadaad jadeen iga rabaa, joojey socodkayga
Ma il baa juq iga tiri qalbiga, iga jaraaxaysey
Mase waa habaarkii jifada, aan doc uga jeestey
Markuu jaah wareerana rag baa, jaqa miskiinkaa e
Caafimaad intuu jirinayey, jeebka mariyaane
Haddii uu Jaliil baran lahaa, jil kama qaadeene
Jaahil baan ogsoonayn halkii, uu ku jabayaaye
Jirro kalana waw dheer tihiyo, qiiro jaahiliye
Afka waysku jaal hoosna waa, layska jarayaaye
Nin waliba jifaduu yahuu, johorad moodaaye
Inta kalena jarjar liita iyo, waw dad aan jirine
Jaguug bay noqdeen wiilashii, jaaxiddiin lumaye
Jeedaalo ugu jira fisqiga, jaranjar loo raaco
Gaaladu midday jecel yihiin, la isku jaan gooyo
Jidka naarta loo jeedo oo, la isku jeeraaro
Jahligii galbeed lagala yimid, jilibka loo aastay
Jaliil nagu direenoo kufriga, jaa’iz laga yeelay
Junuuddii Ibliis naga hayaan, jeegadiyo foodda
U jajuubannahay gaalnimay, jaasadeed tahaye
Reerkeennu jaantay degaan, jabad yar moodayna
Dhulkaa jiidanee waasaca ah, nalaka sii jeedshey
In la joogi karayaba war aan, jirin ka soo qaadna
Jaan jaan hawadu naga dhigtiyo, doqommo sii jeeda
Hadba jahada reer yurub jiraan, jaanta ula boodna
Sidii ay jannada noo hayaan, laabtu jamanayso
Kirishtaanka jahanama u nool, bado u jiirayna
Jiwaarkoodu nala fiican yahay, ehel jaxiimeedka
Jarmal yaa na gaarsiiya iyo, jiidda reer kanada
Qalbiga ay ka ‘jow’ leedahoo, laabtu jirinayso
Bal in gaalka jago loogu tago, jeebabkana buuxsho
Jaxiim lagu illow iyo cadaab, jira warkiisiiye
Waalidkana jawaabtiisu waa, joog ku oran maayo
Facaa waaba jiiteye maxaa, jabadkan kuu yaalla
Jiiraanku dheregyoo adduun, baa u soo jabaye
Adigaa ka joog roon kuwii, joojey daarahane
Annagoo jabnoo liidannoo, gaalo jirinayna
Jaliilow adaa nooga turay, jirrabki taagnaaye
Adigaa jidkii nabiga oo, jiidan noo furaye
Jiwaarkaaga adigaa na baray, inan jeclaanaaye
Jannadaada waasaca inaan, khayr ku jirinnaaye
Jaahiliinta nala joogta oo, baaddilka u jeedda
Jahayntaada weeyaan dacwada, lala dhex joogaaye
Joogsadaay haddii aadan oran, uma an juuqneene
Jidka nuurayana reerkayagu, uma ay jeedaane
Wax kalay jeclaadeen Islaam, uma jilcaayaane
Jirrabkii ad naga saartay bay, wali dhex joogaane
Khayrna kuma jawaabaan wacdigu, joojin kari waaye
Runta waa la jecel nahay inay, jamac u qaataane
Jahli baase naga jeediyoo, jixinjix loo diidye
Jaa’iriin wadaadaynayey, diin ka jiriyaane
Iyaguna jannay uga dhigaan, jidadki naareede
Dunidaanna lama joogayoo, waa jid maalma ahe
Waxay jiidanaysaa intii, naarta loo jaraye
Jaliilow adaa joojin kara, jaahiliin didaye
Usoo jeedi tawxiid intaan, ololka loo jiidin
__________________