(Gabayaa muslimay)
Gabayaa muslimay waa inuu, cay ka gaabsado e
Waa inuu gafkii loola tago, khayr ku gadayaa e
Waa inuusan garab roorahayn, jaahil gaasira e
Waa inuu gadaal eegayoo, guri san doonaa e
Waa inay cabsidu wada gashoo, gama’ u diiddaa e
Waa inuu ka gaashaaman karo, guul darriyo ceebe
Waa inuusan guul moodahayn, waa gabyi aqaane
Waa inuu kitaabbada galoo, garasha yeeshaa e
Waa inuu gargaarsimo noqdoo, noo gabbaad yahaye
Waa inuu u gacan haatiyaa, gaala raacyada e
Gaarsii xujada waa inuu, laabta geliyaa e
Waa inuu intuu gaari karo, la garramaayaa e
Waa inuu dadyawgaa gudboon, gar u simaayaa e
Waa inuu gafkii waa horiyo, godob illaawaa e
Waa inuu xumaan lama guntee, gacala muujaa e
Waa inuu u gogol xaari karo, gole islaameede
Waa inuu gob baan ahayda iyo, kibirka gooyaa e
Waa inuusan sida gaaladii, cido gumeyneyne
Waa inuu ninkii diinta gala, garabki joogaa e
Waa inuu gurbood uu dhaliyo, gacalki moodaa e
Waa inuu gargaar lama huree, gacan u taagaa e
Waa inuu wadaaddada gurracan, ku gacan sayraa e
Waa inuu gunnimo uga digiyo, godadka naareede
Intaan geeri iman waa inuu, gaabsadaay dhaho e
Waa inuu xujada garanayoo, dood la gelayaa e
Waa inuu gaboodkay faleen, go’a ka qaadaa e
Waa inuu gardarra lama qarshee, gafafka muujaa e
_________________________