"Dammiirku hadduu qallalo,
Hadduu dufanraadis yahay,
Daliilka hortiisa yaal,
waxaa kaga beegan daah,
Dadkuna badi waa sidaas.
Dakano gacal bay qabaan,
Dagaal ramatay noqdeen,
Dabrayn iyo weerar bay
Runtii kaga duuban tahay,
Xaqiiqada daahirka ah
Dulmay kaga hoos jiraan,
Abuurta ma daawadaan,
Denbay kala boobayaan
Dushooda ma eegayaan
Dux bay kaga fooraraan,
Si bay u darjiidhayaan,
Dunuunuc bukay liqeen,
Dalqay wax ku eegayaan,
Dil bay u hamuumayaan,
Dibnay la haliilayaan,
Dedaal ma haleelayaan,
Daryeel ma hanbaynayaan,
Dardaaran ma dhuuxayaan,
Digniin ma dhabaynayaan,
Dharaar kama doodayaan,
Halkay ku dambaynayaan,
Dayow kama toosayaan.
Cadceeddu dorraad ma dhalan
Kulkeeda dawaa ku shuban
Ifkeeda Run baa ku duxan,
Dayuxu marin buu hayaa
Xil loo diray buu hayaa
Daw buu ku aroorsan yahay
Dilluu ku hoggaansan yahay;
Dooggiyo dhirtu maaha baad
Caleen iyo maaha daaq,
Ka sii duluc dheer intaas
Waxa ku dareersan nuur,
Run bay ku dalaysan tahay
Wadduur culus baa ku taal.
Daymaan lagu faaqidayn,
Dareen akhriyaan la hayn,
Indhaha damac baa hor yaal,
Waxaan dahab meel ka gelin,
Waxaan magac Doollar sidan,
Diinnaar iyo lacag ahayn,
Yaqiin kama sii dayaan."
____
Hadraawi | Dabahuwan | 1995.