"Gabay waa mullaaxoo
Mergi weeye leexdoo
Adigoo midhcaanyiyo
Meygaag u jeedaa
Moxor loogu dhuuntaa,
Micnahaan gurracayaa
Xaalku waa maqaarsaar;
Midho dahab haddaad tahay
Maar baan shillalayaa;
Marso aanad geyin baa
Halqabsigu i mariyee,
Gaarriyow miliilica
Marba daad rogmanayaa
Igu soo mir kacayee
In yar Maxamed ii noqo.
"Maxaan kugu idhaahdaa?
Ma wax aanad odhanood
Hore ugu masuugtood
Ila maagtay baa jira?"
"Mayee taas la soo dhaaf;
Hadday maanso dacar tahay
Suugaantu milil iyo
Tahay maal qarsoon iyo
Nabar adiga kugu mudan
Hadal madhay Suldaanow
Lagu yidhi muggaagii,
Mid se aanan falinoo
Marar hore i seegtoon
Kula maagey baa jira."
"Ku maqlaye bal soo daa
Waxa igaga kaa maqan."
"Marka diriro hooraan,
Dhulka oo mucsur ahaa
Gobannimo marriimaan,
Dhirtu wada magool iyo
Ubax iyo man saaraan,
Miiraale gaaxdiyo
Mayay godol la sara kacay
Rugta dhibic ku miisaan,
Alla magane sawtii
Kuwa maqasha raacaa
Muxubbada riyaaqada
Yididdiilo milicsiga
Muunsoodka faraxa ah
Maadeys ku odhan jiray:
Aannu madida foosha ah
Morohyada u culannee
Ka bax minanka jiilaal:"
"Xaalku waa maldahan yahay
Mugdi baa igaga jira
Mana garan ujeeddada."
"Haddii mawdku kedis yahay,
Naftu way ka maagtaa
Godka lagu muquunshoo,
Maaray ka dhigataa
Inay maahda caal waa
Meermeerka badisoo
Marmarsiinyo keentee;
Hugunkaad maqlaysiyo
Maroodiga cartamayaa
Maatadaad dhufaantiyo
Waa midiidinkaagii,
Muuqa kuu warramayaa
Ninkaad moodday weeyaan.
"Sida aad milshi la'aan
Mudha iigu soo tidhi
Muran bay i galisee,
Meesha aynnu joognaa
Marka hore xaggee tahay?"
"Meeshu meeshi weeyaan
Meegaarki weynaa,
Ciidankii majiirraa
Kugu meersanaayeen,
Madaxtooyadaadii
Iyo mooradii baas!"
"Hadday meeshu meeshii
Tahay aan ka magan galay
Inta midab shar leeyahay,
Mudantaan u hagar baxay
Xaggee baa la soo maray?"
"Mawjadaa ka soo lalay
Iyo maayad xoog weyn."
"Gartu waa maroortaa
Xaajadu mutuxanaa
Mirta yaa isku ogaa?"
"Mirta waxa isku ogaa
Xilligiyo mudducigii
Muddadiisu laallayd."
"Maxaa kuu darnaa sheeg?"
"Anaad ii macsuun tahay."
"Martiqaad wakhtigan jira
Waa lagu mergganayaa,
Waxba hay macaaneyn
Malaggiyo heddeydee
Muraadkaaga ii sheeg:"
"Maraan kuu sidaa hoo."
"Taasi waa muddaahano
Iyo lama maleeyaan,
Waa musuusuqaagii
Iyo geed is marintii,
Miyaan anigu Jaallow
Maryo kaaga baahnahay?"
"Tani waa ma dhaafaan,
Mahuraanki weeyaan,
Meel baanay kuu tiil,
Waana lagama maarmaan;
Madaxiyo minjaha gali
Waa meerto duniduye
Miiddiiba shubatee
Miidaddawso huubada,
Muudmuudso gocashada,
Murdi weelka godobyahay
Mahadhooyin reebtee
Yaanay maadi kaa hadhin!"
"U danbaynna meydkow
Madi tagaya waa door
Inuu meeris duugliyo
Duluc madhax leh reebee,
Hal-muceedyadaadii
Rabbi kugu mannaystiyo
Maahmaahahaagii,
Bal xusuus mid iyo laba,
Miisaan leh ii sheeg;
Maxaan kaa guntaa hadal?"
"Maqal waxan ku haystaa
Muslinkiyo waraabaha
Madmadowga tuhunkiyo
Mashaqada dhex taallaa
Inay tahay is maandhaaf.
Muudaaga xooluhu
Marka ay la kulantee
Muuqiisa aragtay
Lugaheeda maashaa.
Isna wuxuu majiiraha
Uga daba maleegtaa
Celi maganta baadida,
Is maqiiqiddiisiyo
Mintidkiyo dedaalkaa
Hadba muruq u siibtaa,
Dee muxuu sameeyaa
Ilkahaa u midigoo
Micidaa u gacanee!
Aniguna mudducigow
Waxaan meel la joogaa
Muran li'i dhurwaagaas.
Muddadii xilka lahayd
Haddii maamulkaygii
Maalaa kadeed iyo
Mixnad iyo shil laga dhigay,
Maankayga garashada
Maaraynta hawluhu
Siday iigu muuqdeen
Waxba inaanan maandhaw
Ku masuugin baan furay,
Inta maqanna gaadhsii."
Gudbey Maxamed Xaashow
Mahadsanidna lagu yidhi
Maamuusna kugu ladhay,
Masalooyin xidhan baan
Meelayn u deyayoo
Mayalkaan xejinayee,
Hadda kuguma maakumin
Ninka aad la magac tahay.
Miyir iyo xilqaad iyo
Malko iyo hufnaan iyo
Milgo iyo xishood iyo
Madal iyo garsoor iyo
Maskax iyo aqoon iyo
Mintid iyo dedaal iyo
Mabda' iyo falaad iyo
Murti iyo tusaaliyo
Inta mudan adduunyada;
Marinnada haldoorka ah,
Si na uma midowdaan."
___
Hadraawi - KALA MAAN | 1982.