GAWAY ABWAN HADRAWI


 "Dadku kala ayaan roon

Ama kala aqoon dheer

Ama kala asluub weyn,

Haddaan eed la doonayn

Ama deeq llaahay

Asaraar ka taagnayn

Dadku eexo kaa gelin

Inanyahay la'aantaa

Gabadh lama ammaaneen

Jacayl looma ooyeen.


Geed beer udgoon iyo

Ku dhex yaal ugbaad oo

Ubax iyo man fuulaay.

Ulihii madheedhkee

Iimey ku yaalliyo

Ilo wada xareedoo

Nafta lagu illaawaay.

Dayaxoo iftiimoo

Arladoo dhan gaadhoo

Afar iyo tobnaadaay.

Qorraxdoo aroortii

Dhulka soo abbaartoo

Sagal iid dhex joogtaay.


Waxaad tahay adduunyada

Dhexda udub ka haystoo

Xejiyoo adkeeyoo,

Af-gobaadsan maayee,

Qurux lama amaahdee

Ashkir geenyo ugubeey.


Adhaxdiyo laf-dhabartiyo

Sanbabbada agtoodiyo

Ililaha halbowlaha

Eebaa ku mudanoo

Arrintii cuslaatoo

Naftu aammusnaantii

Iimaansan weydoo

Amaleey jacaylkii

Soo dhaafyay uurkoo

Afku haysan waayoo;


Goortaan ogaadee

Arammidu dillaacdaan

Ooddii ka leexshee.

Post a Comment

Previous Post Next Post