POEM QAWIIL


 Eed maleh qabiil

In qabiil la sheegtaba dad baa, qoonsadoo naca e

Qaab darriyo waxay moodayaan, qool cadaawa ahe

Bulshadoo la kala qaybiyiyo, qaran wadkiisii e

Oo aan qiil dhigaayiyo daliil, qiraya loo hayne


Jahli aan qalbiga laga inkirin, baa ka qaaliba e

Qur’aankiyo ma eegaan sunnadu, tay qarrirayaane

Qiyaastuna waxay kaa riddaa, qar iyo buur dheere

Haddii ay cilmiga qabanayaan, qalad ma keeneenel

Haddii ay qallooc tahay nabigu, qolo ma sheegteene

Qoyska Haashim iyo lama maqleen, cido qureysheede

Qur’aan kama qiseeyeen wixii, qooman soo jireye

Qabiilada thamuud amase caad, kuma qorraadeene


Qaran iyo qabiil oo dhan waa, qoys yaroo fidaye

Waa qaraabo kulligood dhashii, Aadam baw qorane

Rabbi baw qaddaray inay noqdaan, beelo qaybsama e

Iyo qaabab kala jaada oon, isku qasnaanayne


Dadka quban adduunyada haddaan, qooman laga yeelin

Haduu qawl midaynaaya oo, qura ku sheekaysto

Oo aan midabka loo kala qayirin, qaaradaha yaalla

Qof kaa lumay inaad qabato waa, quusashiyo daale


Sharaf baa u qoran aadmigoo, qayrki laga soocye

Waase qiima beelaa markuu, Qaaddir caasiyo e

Xoolahaa ka qolo roon markaan, diini qabanayne

Qab weynida ku faan iyo markuu, kibirku qaadaa e


Wax walbaa qarriban diin haddii, laga qatoobaa e

Eed ma leh qabiilkuye dadkuu, qiimahood dhacaye

Qabyaalidi xumaa maalintii, laysku quursado e

Daallimiinna qiil looga dhigo, waa qaraabada e


Soomaali waxa qaybiyoo, qixiyeyoo laayey

Qabiil maaha ee waa Islaam, ay ka qadayeene

Kitaabkay qarsheen iyo xaqay, qiima dilayeene

Qisaas baa haleeshiyo Ilaah, qabashadiisii e


Eelkii qabsaday iyo kufriga, qaranka aafeeyey

Rag baa wali u qiiraysanoo, diinta qoonsada e

Qur’aan diidyadii baa talada, loo qodbahayaa e

Qalbi laaweyaalow mindhaa, kuma qabowdaane

……………………..

Tusmo

Post a Comment

Previous Post Next Post